Alshabaab ayaa dil toogasho ah ku fulisay haweeney lagu soo eedeeyay inay ka tirsaneyd maamulka Hirshabeelle, kana howlgeli jirtay magaalda Beledweyne.
Xukunkta dilka ah oo ay ku riday Maxkamadda Alshabaab ee Gobolka Hiiraan ayaa ka dhacay degaanka Shaw, waxaana halkaasi la isugu keenay dadka degaanka si ay goobjoog uga noqdaan xukunta toogashada ah ee lagu fuliyay.
Haweeneeyda la toogtay ayaa lagu magacaabi jiray Anfac Xuseen Muxumed, waxaana garsooraha Alshabaab uu sheegay inay la shaqeeyneysay Maamulka Hir-Shabeelle kana tirsaneyd Ciidamada Millateriga ee ka howlgallayay Xerada Lama galaay ee Magaalada Beledweyne.
Waa haweeneydii ugu horeysay ee Alshabaab ugu toogtaan inay ka mid tahay ciidamada maamulka Hirshabelle ee Gobolka Hiiraan, iyadoo ka mida askar badan oo Alshabaab qabato, kuna fuliso xukun dil toogasho ah, iyadoo loo cuskanayo inay ka baxeen diinta islaamka.
