Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Wednesday, June 3
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Doorashada»XOG: Saddex Culeys oo Cali Guudlaawe ku qasbay inuu furo tartanka Kuraasta Aqalka Sare ee Hirshabeelle

    XOG: Saddex Culeys oo Cali Guudlaawe ku qasbay inuu furo tartanka Kuraasta Aqalka Sare ee Hirshabeelle

    September 1, 2021Updated:September 1, 20212 Mins Read Doorashada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa culeysyo soo food saaray dartood la sheegay inuu furayo tartanka kuraasta Aqalka sare ee laga soo doorto maamulka Hirshabeelle.

    Doorashada Senatoorada Aqalka Sare ee Hirshabelele ayaa ka duwanaan doona doorashooyinkii maamullada kale oo loo xiray xubno ay wataan madaxda maamul Goboleedyada, iyadoo laga reebay musharixiin caan ah.

    Kuraasta Aqalka Sare ee ugu adag, laguna tartami doono Hirshabeelle, waxaa ugu horeeya kursiga uu difaacanayo Senator Muuse Suudi Yalaxow, kaasoo ay kula tartamayaan musharixiin dhowr ah oo uu ka mid yahay C/llaahi Sheekh Xasan oo taageero ka heysta Madaxtooyada Soomaaliya iyo kooxda Farmaajo.

    Kursiga labaad ee sida weyn loogu loolamayo waa kursiga uu difaacanayo Senator Dr. Cusmaan Xaaji Maxamuud Dufle, waxaana tartan adag kula jira Danjire Maxamud Axmed Nur (Tarsan) oo ay wadato Madaxtooyada Soomaaliya, taageerana ka heysta Farmaajo iyo Fahas Yaasiin.

    Cali Guudlaawe ayaa ku qasbanaaday inuu furo ugu yaraan kuraasta sida weyn la isugu heysto, waxaana ugu wacan arrimaha soo scoda:

    1- CULEYS AMNI

    Musharxiiinta qaar sida Senator Muuse Suudi waxaa taageeraya xoogagga ciidamadii Badbaado Qaran la baxay ee ka hortegay muddo kororsigii Maxamed C/llaahi Farmaajo, kuwaasoo halis amni looga baqay magaalada Jowhar, haddii Xaaji Muuse laga reebo tartanka.

    2- CULEYS DHAQAALE

    Xildhibaannada Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa doonaya inay Doorashada Aqalka Sare noqoto mid furan oo olole loo galo, si codkooda qiiime u yeesho, ayna u suuragasho inay musharixiinta ka helaan kharash.

    3- CULEYS SIYAASADEED

    Cali Guudlaawe ayaa wajahay culeysyo siyaasadeed oo uga yimid Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Farmaajo iyo xubnaha Midowga Musharixiinta oo dhinac kasta doonayey in loo soo saaro musharixiinta uu wato.

    Madaxweynaha Hirshabeelle oo isku dayay inuu dhinac kasta qanciyo ayaa Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ka diiday inuu kuraasta u xiro xubnihii ay wateen oo ay ugu horeeyaan Maxamuud Tarsan iyo C/llaahi Sheekh Xasan, wuxuuna dhinaca kale ee Musharixiinta u sheegay inuu qabanayo doorasho lagu tartamo.

    Ugu danbeyn, Waxaa lagu wadaa inuu Cali Guudlaawe soo saaro saacadaha soo socda liiska musharixiinta 8-da Kursi ee Aqalka Sare oo 3 kursi oo ka mida si adag loogu tartami doono, iyadoo markii ugu horeysay rajo laga qabo in la arki doono tartan doorasho toos ah oo lagu kala baxo Aqalka Sare.

    Aqalka sare Cali Guudlaawe Doorashada Aqalka Sare Hirshabeelle Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleAlshabaab oo toogasho ku fulisay Haweeney lagu eedeeyay inay ka tirsaneyd Ciidamada Hirshabeelle
    Next Article G/Banaadir oo dalbaday in muddo Isbuuc ah lagu wareejiyo maamulka Isbitaallada Jazeera iyo Yardimeli

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo