Alshabaab ayaa warbixin cusub kasoo saartay qaraxii Ex. Kontrol Afgooye ee Sabtidii 28-ka bishan ay ku dhinteen dad fara badan oo shacab ah.
Warbixinta Alshabaab oo ku qorneyd luuqada Ingiriiska ayaa lagu faahfaahiyey tirada ciidamada iyo Turkiga lagu dilay qaraxa, iyadoo sidoo kale lagu sheegay shacabka qaraxa ku dhintay 23 qof oo kaliya, waxaana qoraalka Alshabaab ku cad tira-koob ka duwan kan ay shaaciyeen isbitaallada Muqdisho iyo Dowladda Soomaaliya.
Warbixinta Alshabaab ayaa lagu sheegay inay kasoo baxday baaritaan dheer iyo xog ururin ay ka sameeyaan magaalada Muqdisho, waxayna tirada dhimashada Qaraxii Ex. Kontrol Afgooye inay tahay 84 qof, halka dhaawacu gaarayo 69; waxayna kala yihiin:
Saraakiisha Turkiga = 4
Qandaraasleyaasha ciidamada Turkiga = 4
Ilaalada saraakiisha Turkiga = 12
Tarjume Turkiga= 1
Ciidamada Booliska ee Kontrolka = 21
Ciidamada dowladda = 6
Sirdoonka NISA = . 9
Mas’uuliyiinta dowladda = 4
Muslimiinta = 23