Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa saaka weerar culus oo jid-gooyo ah ku qaaday kolonyo ciidamo Itoobiyaan ah oo marayey Duleedka Galbeed ee degmada Buurhakaba ee Gobalka Bay.
Wararka ayaa sheegaya in weerarka uu ku bilowday laba qarax oo Miinooyin ah, laguna qarxiyey kolonyada, iyadoo markaas kadib uu dhacay dagaal culus oo labada dhinac dhex maray. Ciidamada itoobiya ayaa la sheegay inay ka tageeb Buurhakaba, kuna sii jeedeen magaalada Baydhabo markii jidka loo galay.
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qasaaraha dagaalka, waxayna Alshabaab shegatay inay burburisay kolonyadii Itoobiyaanka ah, qasaare baaxad lehna ay gaarsiiyeen, iyadoo dhinaca dowladda iyo ciidamada AMISOM aanu wax war ah kasoo bixin.
Dadka degaanka ayaa sheegay in weerarka kadib ay ciidamada Itoobiyaanka rasaas ku dureen dadka ku dhaqan duleedka degmada Buurhakaba. Waxaana soo gaaray dhimasho iyo dhaawac.