Maleeshiyada Alshabaab ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday degaanka Qalimow ee Gobolka Sh/Dhexe oo Waqooyi ka xigta Degmada Balcad.
Weerarka ka dhacay degaanka Qalimow ee gobolka Shabeelada Dhexe oo 60 KM u jira Muqdisho ayaa dadka degaanku sheegeen inay degaankaasi soo galeen maleeshiyada Alshabaab oo muddo kooban la wareegeen, kadib weerar ay dhowr jiho uga qaadeen intii aanay halkaasi gaarin ciidamo gurmad ah.
Dagaalka ka dhacay Qalimow ayaa dhaliyey qasaare dhimasho iyo dhaawac leh. Alshabaab ayaa sheegatay inay la wareegeen saldhigii ciidamada ee degaanka Qalimow, ayna qasaare xoog leh gaarsiiyeen ciidamada dowladda.
Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay Taliska ciidamada Dowlada federaalka iyo maamulka Hirshabeelle.