Maleeshiyada Alsahbaab ee Gobolka Sh/Dhexe ayaa degaanka Raagge Ceelle ka afduubatay, kadibna dishay nin oday ah oo ay ku eedeeyeen inuu ahaa sarkaal ka tirsan ciidamada dowldda.
Alshabaab ayaa shaacisay inay weerar ku qaadeen Guriga Axmed Jilcane ee degaanka Raage Ceelle ayna halkaasi ku dileen ninkaasi oo sida ay sheegeen ahaa sarkaal ka tirsan Ciidamada dowladda, iyagoo gubay laba Gaari NOAH oo uu lahaa, kana qaatay Qori.
Raagge ceele oo ay ka taliyaan ciidamada dowlada ayaa weerarka ay Alshabaab ku qaaday uu ahaa mid kedis ah, iyadoo inta badan ciidamadii ku sugnaa ay tageen magaalada Muqdisho.
Sidoo kale Alshabaab waxay sheegatay inay toogasho ku dileen Cabdi Warran oo ay sheegeen inuu ahaa dhamme ka tirsanaa ciidanka Asluubta ee ka howlgala Xabsiga Dhexe ee magaalada Muqdisho, kaasoo lagu dilay xaafadada Siinaay ee magaalada Muqdisho.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhinaca aamulka Hirshabelle iyo Hay’adha AMiga Gobolka Banaadir xilli ay Alshabaab kordhisay weerarrada khaarijinta ee bisha Ramadaan.
