Kooxda Al-Shabaab ayaa War cad kasoo saartay heshiiskii muranka badan dhaliyey ee dowladda Soomaaliya Farmaajo iyo Itoobiya dhex maray, kuna saabsanaa maalgelinta Afar kamid ah Dekadaha Soomaaliya.
Ninka labaad ee ugu sareeya Alshabaab Mahad Warsame (Abu Cabdi Raxmaan) oo loo yaqaan Mahad Karate ayaa go’aan Alshabaab ka qaadatay arrintan u sheegay warbaahintooda, isagoo sheegay in qorshaha Itoobiya loogu gacan gelinayo dekedaha Soomaaliyeed uu qayb ka yahay damacii Itoobiya ee ahaa in ay Soomaaliya qabsato.
Sheekh Mahad Karate ayaa sheeegay in heshiiska dekedaha lagu siiyay Itoobiya iyo hadalkii Abiy Axmad ee ahaa in Soomaaliya iyo Itoobiya la mideyn doono uu yahay qorshe u degsan oo ay qasab ku tahay in hogaamiyeyaasha Itoobiya ay hirgeliyaan.
“Farmaajo oo ah nin Maraykan ah, kana tirsan xisbiga Trump ee Jamhuuriga la yiraahdo, wuxuu dadka Soomaaliyeed ku beer-laxawsaday inuu yahay wadani Soomaali ah, balse markii uu kursiga ku fariistay wixii ugu horeeyay ee uu qabtay waxay ahayd inuu xabashida u gacangeliyo qof walba oo Soomaali ah oo ay ka dalbadaan, Maantana wuxuu saxiixay in dekedaha dalka ay Xabashidu la wareegto..” ayuu yiri Mahad Karate oo weerar ku qaaday madaxweyne Farmaajo
Nnka labaad ee ugu sareeya kooxda Alshabaab Sheekh Mahad ayaa ku dooday in haddii aysan dadka Soomaaliyeed baraarugin caasimada Itoobiya laga dhigi doono magaalada Muqdisho, sida Caasimada Yuhuuda looga dhigay Magaalada xoogga lagu haysto ee Qudus.