Kooxda Alshabaab ayaa war cusub kaso saartay weerar ay maanta ku qaaday kolonyo ciidamo Itoobiyaan ah oo isaga gooshayey Buurhakaba iyo Baydhaba.
War-saxaafadeedyo lagu qoray afafka Carabiga iyo Ingiriiska ayey Alshabaab ku sheegtay inay ciidamada Itoobiya ka dishay 57 askari oo meydadkooda ay heyso, ayna weli ururinayaan dhaawacyada iyo Meydadka ciidanka xabashida.
“Khasaara aad u xooggan ayaa ciidamada Saliibiyiinta Itoobiya kasoo gaaray weerarkii saaka ka dhacay duleedka Buurhakaba, inta meydadka gacanta lagu hayo waa 57 askari walina dhaawacyo iyo Meydad ayaa dhulka howdka ah laga baadi goobayaa” ayaa laga soo xigtay Afhayeen u hadlay Al Shabaab.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay AMISOM, Dowladda Soomaaliya iyo Itoobiya midna iyo cid xaqiijisay sheegashada Alshabab. Dadka degaanka ayaa soo weriyey inay ciidamada Itoobiya dileen dad shacab ah oo ka badan 10 qof.