AMISOM ayaa beenisay wararka sheegaya in magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose ay qabsadeen galabta maleeshiyada Alshabaab.
AMISOM ayaa caddeysay in xerada ciidamada AMISOM ay 800 Mitir u jirto magaalada Marka oo ay waxba kama jiraan yihiin wararka sheegaya in Alshabaab qabsadeen sida ay faafiyeen warbaahinta Soomaalida.
AMISOM ayaa sheegtay inay sii joogi doonto magaalada Marka, isla markaana ay ka go’an tahay sugidda ammaanka dadka magaalada Marka.
https://twitter.com/amisomsomalia/status/752527843834331137
Dadka degaanka iyo guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa xaqijiyay in Alshabaab ay qabsadeen magaalada Marka, kadib markii ay isaga baxeen ciidamadii milateriga Soomaaliya.
Wadani.com