Ciidamada AMISOM ayaa si lama filaan u soo baneeyay degaano cusub oo ka tirsan gobolka Sh/hoose sida ay sheegayaan wararka laga helayo dadka degaanka.
Degmada Qoryooley oo fariisin weyn u ahayd AMISOM ayay isaga baxeen iyadoo Ciidamada Dowladuna ay sidoo kale ka baxeen halkaasi , waxaana degaankaasi hareeyay cabsi laga qabo weeraro ay Alshabaab ku soo qaado.
Hore ayay ciidamada AMISOM uga soo baxeen degaanka Toora-toorow, waxaana sii xoogeysanaya isbedalka dib u gurasho ee ku yimid ciidamada AMISOM kadib weerarkii Leego oo askar badan oo AMISOM ah lagu laayay.
Dadka degmada Qoryooley ayaa maanta bilaabay in ay ka barakacaan degmada iyago ka cabsi qaba dagaal ka qarxa halkaasi. Mahad Gabow Buule oo ka mida saraakiisha ciidamada dowlada Ee Qoryoley ku sugan ayaa Warbaahinta u xaqiijiyey in magaalada Qoryooley laga kala cararay oo kaliya ay ku hareen dad aad u kooban.
Wadani.com
[ad name=”HTML-1″]
[ad name=”HTML-6″]