AMISOM ayaa shaacisay warbixin ku saabsan kulan shalay dhex maray madaxweynaha cusub ee Soomaaliya iyo saraakiisha ciidamada AMISOM oo ay wehliyaan safiirada dalalka ciidamada ka joogaan Soomaaliya.
Farmaajo ayaa ballan qaaday inuu si dhow ula shaqeeyo AMISOM dagaalka lagula jiro kooxda Alshabaab oo ah caqbadda ugu weyn ee hortaagan nabadgelyada Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa sheegay in loo baahan yahay in si degdeg ah loo jebiyo Alshabaab si nabad iyo barwaaqo loo gaaro, isaguna diyaar u yahay inuu kaalin hormuud ah ka qaato.
“Qorshaheygu waa in muddo laba sano ah ku burburiyaa Alshabaab, waxaan rajeynayaa haddii aan si dhow u wada shaqeyno waxaan awoodi karnaa inaan jebino Alshabaab. Waxaan rabaa inaan arko qorshaha oo ku hirgala labada sano ee soo socota….” ayuu yiri Madaxweynaha Farmaajo oo la hadlayay madaxda Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo safiirada dalalka ciidamada ka joogaan Soomaaliya.
Waxaa kulanka joogay Madaxda Midowga Afrika ee Somalia, Ambassador Francisco Madeira; safiirka Kenyan ee Somalia, Retired Maj. Gen. Lucas Tumbo; Safiirka Djibouti Aden Hasan Aden; safir ku xigeenka Itoobiya ee Somalia Jamaludin Mustafa Omar iyo xohghayha koowaad ee safaaradda Ugandan ku leedahay Somalia Sheikh Muhindo Alamin.
Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa balanqaaday inay AMISOM la shaqeyn doono madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.
AMISOM