Ciidamada AMISOM ayaa ku kacay fal naxdin leh kadib markii kolonyo ka mida gaadiidkooda si naxdin leh ku dileen askar ka tirsan ciidamada dowladda Federaalka.
Shalay ayay ahayd markii Kolonyo ka tirsan AMISOM ay degaanka u dhaxeeya Ceelasha Biyaha iyo Lafoole ay ku jiireen Mooto ay la socdeen askarta, waxaana dhacday in ilaa saddex gawaarida gaashaaman ah ay dul mareen Mootada, taasoo caro weyn ka dhalisay degaankaasi.
Laba ka mida askarta ayaa isla goobta ku dhintay markii saddex Baabuur oo waaweyn ay dul mareen, halka mid kale uu si xun ugu dhaawacmay, waxaana kolonyadii AMISOM ay u baxsatay dhinaca Muqdisho iyadoo aan u istaagin.
War ay AMISOM soo saartay maanta ayay ku sheegtay inay si weyn uga xun tahay shilka ka dhacay Wadadda Afgooye oo ay ku lug yeesheen ciidamada AMISOM, waxayna tacsi u dirtay dadkii ay ka dhinteen askarta Soomaalida.
AMISOM ayaa sheegtay inay tallaabada ku haboon oo sharci ah ka qaadeyso arrintan kadib markii baritaan lagu sameeyo, haddii ay soo baxdo inay ku kaceen mas’uuliyad darro ama taxadar la’aan.
Dowladda Soomaaliya ayaa weli wax war ah kasoo saarin falka naxdinta leh ee AMISOM ku kacday, waxaana marar badan ciidamada AMISOM ku lug yeesheen falal noocan oo kale ah.
PRESS RELEASE
(For Immediate Release) AMISOM PR/053/2017
AMISOM regrets the deaths of two SNA soldiers in a road accident involving an
AU armoured vehicle
Mogadishu-July 7th, 2017; The African Union Mission in Somalia (AMISOM) highly regrets the deaths of two SNA soldiers and the critical injuries caused on a third soldier, from a road accident which occurred yesterday, 6 July 2017, at approximately 1300hrs, between Elashabiyaha and Lafole, involving their motorcycle and an AU armoured vehicle.
AMISOM offers their heartfelt condolences to the bereaved families and has instituted an immediate enquiry to establish the full facts of the incident. Appropriate legal action shall be taken against those involved, if the inquiry reveals elements of culpability in the form of negligence, carelessness, recklessness or other, on their part.