Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Qormooyinka»Annaga iyo Coronavirus: (Inta dadaaleysa waxaa ka qeylo dheer kuwa war-xumo-tashiilka howl ka dhigtay)

    Annaga iyo Coronavirus: (Inta dadaaleysa waxaa ka qeylo dheer kuwa war-xumo-tashiilka howl ka dhigtay)

    April 12, 2020Updated:April 12, 20203 Mins Read Qormooyinka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Annaga iyo Corona (Ra’yi)Sidii Corona u soo if baxay, waxaa na hareeyay isku dhax yaac sababay in aan wareerno, meel nalaka jiro aan garan weyno, oo aan shabkaxsannoWaxey ila tahay in afar qolo ay sabab u yihiin isku dhax yaacaas.

    1. Madax iyo masuuliyiin aan qorshe laheyn oo go’aanadooda iyo tabartodu isla socon oo ay dabeyshu marba dhinac u rideyso.

    2. War-fidiyeen iyo war-baahin aan xirfaddoodu wanaagsaneyn, oo la booda wax kasta oo ay maqlaan ama ku soo dhaca iyagoo aan u fiirsan waxa ka dhalan kara.

    3. Dhakhaatiir iyo howlwadeenno caafimaad oo aad mooddo in ay la hadlaayaan dad kale, oo gudbinaaya farriimo aan dadka caadiga ahi si fiican u fahmi karin.

    4. Wadaaddo la wareegay booskii dhakhaatiirta oo sheegaaya daawooyin aan wali cilmiga daawadu uusan wax ka dhihin, iyagoo ku laraaya afkaar diineed.

    Intaas waxaa dheer, annaga oo ah ummad war ku nool ah, oo caqli-wadareed koodu ku dhisan yahay in wax walba la sheego, sida la rabo iyo ciddii la rabana loo sheego. Inta badanna waxaan ka hadalnaa waxa aan rabno ee kama hadalno waxa horteenna yaalla.

    Nolosheenna waxaa sanadihii u dambeeyay aad u saameeyay waxa lagu faafiyo baraha bulshada, oo aan xadka laheyn, qof kastana u fudud inuu warkiisa gaarsiiyo Soomaalida adduunka oo dhan.

    Xilliga la joogo ee uu Corona yahay waxa ugu weyn ee lagu mashquulsan yahay gudaha iyo dibaddaba, ayaa waxaa la is dhaafsanyaa warar iyo macluumaat been u badan oo abuuray khalkhal weyn.

    Soomaalida kaliya kuma koobna khuraafaatka la xiriira Corona ee lagu faafinayo baraha bulshada. Waxaa qaati ka taagan ummadaha adduunka oo dhan, ha ahaadeen kuwa horumaray iyo kuwa dib u dhacay intaba.

    Dhibka jira waxa uu yahay in dad badan oo la qiyaasayay in ay yihiin indhaha bulshada, xag aqooneed iyo xag garaad labdadba, iney u dhaqmayaan si qallafsan, oo aad mooddo iney dhufeysyo ku jiraan oo ay difaacanayaan wax ay is leeyihiin yaan la idinka qaadan, laakiin haddana aysan la wadaageynin cidna.

    Dhibaatooyinka noocaan ah waxay bannaanka soo dhigeen caqligeenna runta ah iyo waxa xaqiiqda ah ee aan qarsaneyno, wanaag iyo xumaan intaba, laakiin waxaa soo badaneysa maalin walba in kuweenna dadaalaya ay ka qeylo dheer yihiin, kuwa war-xumo-tashiilka howl ka dhigtay.

    Waxa ila habboon in dadka bulshada indhaha u ahi ay qaataan masuuliyaddooda, oo ay runta noo sheegaan haba kharaaraatee.

    -Masuulow haddii aan go’aan qaadaneysid, keen go’aan maan-gal ah.

    -Dhaktarow af aan aan garan karno nugula hadal.-

    War-fidiyeenow wax hubso farriintaadana miisaan u yeel.-

    Wadaadow adna farriinta diineed ku saleey waaqica bulshada.

    W/Q: Cali Xalane

    Qormo
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticlePuntland oo Madaxda Dowladda Somalia uga digtay inay Coronavirus dartiis Dib u dhigaan Doorashada 2020
    Next Article XOG: Halista Coronavirus oo soo wajahday Isbitaallada Muqdisho iyo Dhaqtar kale oo laga helay Cudurka

    Related Posts

    Maxaa Addis Ababa ku qabsaday Xasan Sheekh? (3-da Aragti ee Mucaaradka Madaxweynaha)

    February 18, 2024

    Maxaa lagu diidan yahay Hab-raaca lagu muransan yahay ee Dastuurka..?

    January 24, 2024

    Hadal jeedinta Madaxweynaha iyo Waxyaabihii la tabey ee ka Maqnaaa (Qormo).

    January 3, 2024

    Yusuf Garaad oo ka hadlay Dhibaato culus oo ka jirta Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

    November 29, 2023

    5 Arrin oo lagu diidan yahay Qorshaha Dastuurka ee Xasan Sheekh iyo waxa ka dhalan kara

    November 27, 2023

    C/raxman C/shakuur oo Qoraal talo- culus xambaarsan u diray Siciid Deni

    November 7, 2023

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo