Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Guddi u saaray xaaladda ka taagan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kadib xiisadda ka dhalatay Mooshinka laga keenay guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari).
Kulan ay yeesheen Guddiga joogtada ah ee Aqalka sare ayaa lagu magacaabay Guddi xal u raadiya is mari waaga kadhex jira xildhibaannada Baarlamaanka federaalka, waxaana guddoomiye u ah Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi C/llaahi.
Guddiga ayaa la kulmi doona labada dhinac ee isku haya mooshinka Guddoomiye Jawaari, waxayna ugu baaqeen in xaaladda lagu soo celiyo xasilooni oo guddiga gacan lagu siiyo sidii xal logu heli lahaa xaaladda taagan.
HOOS KA AKHRISO MAGACYADA GUDDIGA
1- Cabdi Xaashi C/llaahI – Guddoomiye
2- Mowliid Xuseen Ducaale – Xubin
3- Samsam Ibraahim Cali
4- Cabdi Xasan Cawaale (Qeydiid)
5- Maxamud Axmed Mashruuc
6- Maxamed Amiin Sheekh Cismaan
7- Muxyadiin Sheekh Cali Jaamac