Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa ku soo biiray baaritaanka weerarkii Bariire ee dadka badan lagu dilay.
Kulan ay maanta yeesheen xubanha Aqalka Sare ayaa looga hadlay weerarkii ka dhacay degaanka Bariire ee Gobolka Sh/hoose oo 10 qof lagu dilay, iyadoo falkaasi lagu eedeeyay ciiiamada dowladda Soomaaliya iyo kuwo Mareykan ah.
Guddoomiyaha Gudiga Difaaca ee Aqalka Sare Maxamed Amiin Sheekh CIsmaan ayaa saxaafadda u sheegay in Aqalka Sare uu guddiyada Difaaca, Amniga iyo arrimaha gudaha ka doonayo warbixin ku saabsan wixii ka dhacay Bariire.
Guddiga Aqalka Sare u saaray arrinta Bariire ayaa la sheegay inay korjoogto u noqon doonaan Guddiga kale ee xukuumadda Soomaaliya arrintan u xil saartay iyagoo dusha kala socon doona baaritaanka lagu wado kiiskan.
Aqalka sare ayaa muddooyinkan danbe ka dhex muuqada kiis kasta oo dowladda Federaalka ay ku lug yeelato, isagoo weli raadinaya kaalin uu ku yeesho siyaasadda dalka.
Wadani