Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Madaxtooyada»AR MADAXWEYNAHA U NAXARIISTA: Yaabkii aan ku soo arkay Madaxtooyada KMG ah ee Hotel Jazeera..!

    AR MADAXWEYNAHA U NAXARIISTA: Yaabkii aan ku soo arkay Madaxtooyada KMG ah ee Hotel Jazeera..!

    February 13, 2017Updated:February 13, 20173 Mins Read Madaxtooyada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Who Is Really In Control In Mogadishu? The presidency of Somalia
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Goobtu waa Hotel Jazeera oo u dhow Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, waxaa gebi ahaan isbedelay qaabkiisa wixii ka danbeeyay habeenkii 8-da Febraayo oo la doortay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

    Hotelka waxaa buuxiyay siyaasiyiin, saraakiil, wasiiro, taageerayaal iyo dad kala duwan oo qiyaasteyda aan ka yareyn Kun qof, dhammaantoodna waxay ka mideysan yihiin hal ujeedo oo ah inay la kulmaan Madaxweyne Farmaajo, laakiin mid waliba  muraad gaara ayuu lahaa.

    Albaabka Hotelka ilaa dabaqa ugu sareeya ma jirto meel bannaan oo waxaa ku sugan dad fadhiya, qaar taagan iyo kuwo qolalka ku jira, saacada aan ku beegmay waxay ahayd 22:00 habeenino ama 4 saacad habeen saqda dhexe ka hor, laakiin madaxtooyada KMG ah lagama seexdo.

    Ma jiro goob gaara oo aad ku arki kartid madaxweyne Farmaajo, sababtoo ah meel waliba dad ayaa ku jira, hoolka ugu sareeya oo ay ahayd inuu dadka ku qaabilo waxaa ku sugnaa dad wada sugaya oo nooc waliba leh, wuxuuna ku qasban yahay inuu dadkaas ka codsado inay wax yar u banneeyaan si qolad uu ballanka gaarka ah la leeyahay ama soo  booqatay ugu qaabilo.

    Kulamada madaxweynaha daqiiqad waliba waa socdaan, ma jirto xad ay leeyihiin iyo saacad u qoran, inta uu wiishka sii saaran yahay ama ka soo degayo wuxuu ku mashquulsan yahay inuu qof ama shaqsiyaadka u taagan uu socod iyo istaag ku qaabilo, qaar garabka qabto oo daqiiqad siiyo, qaarka dhinac ula baxo qolalka hotelka dhexdooda…. inta uu qaabilaad u socda waxaa dhexda u galaya kooxo u taagan oo mar uun doonaya inay madaxweynaha dhegta wax ugu sheegaan.

    Waxaan la yaabay sida Soomaalidu ugu darran tahay madaxdeeda iyo naxariis darrada ka indho tirtay in qofkani bani’aadam yahay, kulankii aan la qaadanay waxaa madaxweynaha ka muuqatay inuu aad u daalan yahay, wax hurdo ahna aanu helin saacado badan.

    Mid kamida gacanyareyaasha oo ay ka tan badiyeen dadka faraha badan iyo madaxda 24-ka saac u safan madaxweynaha ayaan weydiiyay kulanka kadib, xilliga uu seexdo madaxweynaha laakiin  wax jawaab ah waa bixin waayay. Laga yaabee inuu 24-ka saac helo 3 ama 4 saac oo hurdo ah.

    Maalintii xigtay oo hotelka Jazeera hortiisa aan maray waxaan ku arkay culimo xer ah oo halkaasi ku camiratay Xadro weyn oo la ii sheegay inay dooneyaan la-kulanka Madaxweynaha..!!. Waxaa iigu yaab badnaa saraakiisham safiirada iyo madaxda dowladda ee saacad kasta madaxweynaha ag dhooban kana soo tegay shaqooyinkoodii iyo waajibaadkii loo igmaday.

    Waa yaabe maxaan ka rabnaa madaxweynaha…? dhammaanteen xilal iyo lacag miyaan ka heli karnaa..??, … waxaan oran lahaa : AR MADAXWEYNAHA U NAXARIISTA WAA BANI’AADAME.

    Waxaa laga diyaariyay: xogwarran lala yeeshay xildhibaan la kulmay Madaxweyne Farmaajo

    W/D: Xasan Moalim
    Wadani.com

    Farmajo Hotel Jazeera Madaxweyne Farmaajo
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleTijaabo lagu ogaan doono shaqsiyadda Madaxweyne Farmaajo oo soo shaac baxday [Warbixin]
    Next Article Safiir diiday inuu waraaqihiisa u gudbiyo Xasan Sheekh oo shaqadiisa Diblomaasiyadeed ka wata Muqdisho

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo