Hal arday ayaa ku dhintay, laba kalena dhaawac ayaa kasoo gaaray oo midkood xaaladiisu liidato kadib markii ay rasaas ku fureen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ee magaalada Muqdisho.
Falkan ayaa ka dhacay xaafadd Laba dhagax, degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in ciidamada rasaasta furay oo watay gaari ciidan uu muran dhex maray Mooto bajaaj uu saarnaa qof shacab ah.
Dadweyne ayaa ku soo xoomay goobta ay isku heysteen labada dhinac oo uu ka ag dhowaa Dugsiga Alcimra ee Laba-dhagax ay dhigtaan arday ka mid noqotay kuwii goobtaasi yimid, waxaana muddo kadib askartii dowladda ay fureen rasaas taasoo keentay in arday ku dhinto, laba kalena ay ku dhaawacmaan.
Ciidamada falkan geystay ayaa la sheegay inay isaga tageen goobta, waxaana ardayda dhaawaca ah loola cararay isbitaalada, waxaana laga deyrinayaa xaaladda mid ka mida ardaydaasi.