Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Bulshada»Ari-jire, Nolol barakac ku nool oo ka mid noqday 100-ka Arday ee ugu sareeya Imtixaanka Dowladda (Qisada Qaasim)

    Ari-jire, Nolol barakac ku nool oo ka mid noqday 100-ka Arday ee ugu sareeya Imtixaanka Dowladda (Qisada Qaasim)

    September 9, 2020Updated:September 10, 20202 Mins Read Bulshada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Mid ka mida Qisooyinka cajiibka ee ay reebtay natiijadii imtixaankii Dugsiyada sare sanad-dugsiyeedka 2019/2020 waxaa ka mida wiil danyar ah oo qoyskiisu barakacayaal yihiin, kuna nool duruufo adag oo gelinta hore Iskuulka dhigan jiray, gelinka dambena Ari ay leedahay hooyadii raaci jiray inuu ka mid noqday 100-ka Arday ee ugu sareeya imtixaanka dowladda ee laga qaaday Bartalama iyo Koonfurta Soomaaliya.

    Qaasim Salaad Gabood Isaaq wuxuu galay kaalinta 94-aad, wuxuuna helay dhibco celcelis ahaan gaaraya: 87.71 , siagoo dhigta Dugsiga Amiir Nuur ee magaalada Garbahaarey, wuxuuna ka mid yahay ardayda ay wasaaradda waxbarashda u balan qaaday inay waxbarasho Jaamacadeed oo deeq ah ay siineyso, wuxuuna qoyskiisa markii hore kasoo qaxay degmada Qansaxdheere ee gobolka Bakool, waxayna hadda ku nool yihiin duleedka magaalada Garbahaarey.

    Qisada Wiilkan waxay si weyn u qabsatay baraha bulshada isagoo calaamad u noqday dadaal waxbarashada iyo heerka uu qofku gaarsiin karo duruuf kasta oo uu u nool yahay, waxaana loo muujiyey taageero weyn, iyadoo dad badan ay wadaan in Ardayga iyo qoyskiisa danyarta ah laga kaalmeeyo kharashka.

    • AKHRISO: Magacyada 100-ka Arday ee ugu sareeya Imtixaanka Dowladda ee Dugsiyada Sare 2019/2020

    Wasiirka waxbrashada xukuumadda Soomaaliya ayaa oo ka hadlay dadaalka Ardayga Qaasim Salaad ayaa farriintan u diray: “Waxaan hambalyo u dirayaa wiilkan da’da yar ee ka mira dhaliyay hammigiisa, isla markaana sahan dheer u galay siduu u guuleysan lahaa isagoo duruuf adag ku jira, kana soo muuqday 100-ka arday ee ugu sarreysa natiijada imtixaankii shahaadiga ahaa ee dalka. Wuxuu tusaale u yahay jiilka soo koraya si ay ugu sii diyaar garoobaan tartanka heer Qaran ee aan lagu kala badin xigto iyo xoolo, qof kastana u baahanyahay in uu dadaal badan sameeyo, saaxiibna la noqdo buugga iyo qalinka.Dadaal badne Qaasim, wuxuu heli doonaa deeq waxbarasho oo heer jaamacadeed ah.”

    Qisada Ardayga Qaasim Salaad waa mid soo jiidasho leh, waxaana warbixin ka diyaariyey weriyaha TV-da Shabeelle ee Gobolka Gedo, warbixinta hoos ka daawo.

    AKHRISO: Magacyada 100-ka Arday ee ugu sareeya Imtixaanka Dowladda ee Dugsiyada Sare 2019/2020
    Ari-jire Garbahaarey Gedo Imtixaanka Dugsiyada Sare Qaasim Salaad Gabood Isaaq Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleTaliye ka tirsanaa Koofiyad-casta Madaxtooyada oo ku dhintay Qarixii is-miidaaminta ee Muqdisho
    Next Article AKHRISO: Qodobaddii looga hadlay shirkii wakiilada Beesha Caaalamka la yeesheen Lafta-gareen, Qoorqoor & Waare..?

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo