Xaflad aroos oo ka socotay magaalada Kabul ee dalka Afghanistan ayaa isu bedeshay tacsi, kadib markii Qarax lala beegsaday, halkaasina lagu laayey dad ka badan 60 qof, laguna dhaawacay 180 qof oo kale.
Qaraxa ayaa dhacay iyadoo xafladda ay buux dhaafiyeen dad fara badan oo ku jiray xaalad damaashaad iyo ciyaaraha qoob-ka-ciyaarka ah, waxaana mar qura qarax xoog leh uu ruxay goobtaasi, iyadoo ay isu bedeshay burbur iyo jirka dadka oo meel waliba daadsan dhimasho iyo dhaawac.
Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in xafladda ay ku dhinteen 63 qof, laguna dhaawacay 182 qof oo kale, waxaana qaraxa iska fogeeyay xarakada Daalibaan oo sheegtay inaysan wax lug ah ku lahayn dadka aan waxba galabsan ee lagu laayey xafladda arooska magaalada Kabul.
Ninka caruuska oo magaciisa lagu sheegay Mirwais ahaa ayaa wakaaladaha wararka u sheegay in farxadiisa loo bedelay murugo iyo tacsi, ayna halkaasi ku dhinteen walaalkiis, qoyskiisa inta badan iyo saaxiibadiisa, xaaskiisana ay qaaday naxdin iyo shoog, wuxuuna intaas ku daray inuusan wixii markaas ka danbeeya farxad ka imaan karin.
Dadka dhintay waxaa ka mida haween iyo caruur, waxaana qofka is-miidaamiyey la sheegay inuu beegsaday halka lagu soo dhoweynayey ragga ka qeyb galayey xafladda arooska. Mas’uuliyadda Qaraxa ayaa waxaa sheegtay kooxda ISIS ama Daacish, iyadoo la beegsaday Arooska oo dadka dhiganayey ay ahayeen Shiico.


