Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamo milateriga Soomaaliya ka tirsan oo xalay dil ka geystay magaalada Muqdisho la qabtay, kadibna gacanta loo gacan geliyay maamulka Gobolka Banaadir.
Ciidamadan ayaa xalay xaafadda Albaraka ee degmada Hodon, magaalada Muqdisho saddex caruur ah iyagoo dhaawacay qof kale, dadka la dilay ayaa kala ahaa wiil dhalinyaro ah iyo laba caruur ah, kuwaasoo saarnaa gaari shacab.
Ciidamada falka geystay ayaa xalay goobta ka baxsaday, laakiin Guddoomiyaha degmada Hodon ayaa saaka sheegay in la qabtay saddex askari oo ka tirsan ciidamada Milateriga, isla markaana uu baaritaan ku socdo.
Saraakiil ka tirsan ciidamada Milateriga ayaa isla markiiba qaaday tallaabo ay ku qabteen saddexda askari, waxaana wararkii ugu danbeeyay sheegayaan in saddexda askari la xiray, lana soo taagi doono maxkamad sida uu sheegay afhayeenka Gobolka Banaadir.
Wadani.com