Fal dil ah oo loo geystay askari ka tirsan ciidamada Booliska iyo iska hor imaad ay ku lug yeesheen ciidamada Booliska ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.
Askari ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya oo ka tirsan ciidamada fadhigoodu yahay barta laga ilaaliyo Garoonka diyaaradaha ee Isgoyska Dan-wadaagaha ee degmada Wadajir Gobolka Banaadir ayaa toogasho ku dilay askari kale oo ka tirsan ilaalada Isbitaalka Medina ee magaalada Muqdisho.
Wararka ayaa sheegaya in askariga dilka geystay uu hor istaagay Gaari uu watay askariga kale oo isku dayey inuu si xoog ah ku maro barta ay ku sugnaayeen Ciidamada booliska, iyadoo uu goobta ku geeriyooday, waxaana goobta ka baxsaday askarta dilka geystay.
Dhinaca kale iska hor imaad ayaa xaafaddda Suuq Boocle ee Degmada Dharkeynley ku dhex maray ciidamada Amniga iyo maleeshiyo dooneysay inay baad ka qaadato guri laga dhisayey xaafadaasi.
Rasaas xoog leh oo labada dhinac is weydaarsadeen ayaa ka dhacday xaafadda oo u dhow suuqa Boocle, iyadoo muddo kadib ay baxsadeen maleeshiyadii iska hor imaadka la gashay ciidamada.