Wararka laga helayo Gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya inuu qasaare dhimasho iyo dhaawac leh dhaliyey Qarax maanta lala beegsaday kolonyo ciidamada dawladda ka tirsan oo ka baxday Saldhigga Ballidoogle.
Qaraxa ayaa ka dhacay agagaarka degaanka War-maxan, waxaana ku dhintay askari ka tirsan ciidamaa dowladda, iyadoo ay ku dhaawacmeen laba askari oo kale, sida ay sheegeen dadka degaanka. Waxaa kaloo gebi ahaanba qaraxaasi lagu waayey Mooto la socotay ciidamada iyo dadkii saarnaa.
Alshabaab ayaa muddooyinkii danbe kordhisay qaraxyada ay la beegsaneyso gaadiidka sahayda u sida saldhigga Balidoogle iyo kuwa ka baxa ee kusii jeeda magaalada Muqdisho.
Dhinaca kale maleeshiyada Alshabaab ayaa la sheegay inay Mooto Dhuxul siday dab ku qabadsiiyeen inta. udhaxeysa Wanlweyn iyo Warmaxan, iyadoo la dilay ninkii mootadaasi waday.