Weriye sawir qaade ah oo ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa toogasho lagu dilay Galabta, magaalada Muqdisho iyadoo uu dilkiisa ka dambeeyay askari ka tirsan ciidamada dowladda.
Falkan ayaa galabta ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan barta ay ciidamada Booliska joogaan oo u dhow Beerta Nabadda oo laga ilaaliyo madaxtooyada Soomaaliya, waxaana weriye C/risaaq Qaasim Imaam madaxa ka toogtay askari Boolis ah, sida uu shaaciyey ururka Saxafiyiinta ee NUSOJ.
Daqiiqado kadib ayuu weriye C/risaaq u geeriyooday dhaawac culus oo soo gaaray, waxaana falkanĀ si weyn u cambaareeyay Ururka NUSOJ, isagoo u shaqeynayay Telefishanka SBS.
Waxaa geeridiisa xaqiijiyey agaasimaha TV-ga SBS Maxamuud Dhaqane Nuur, iyadoo aan la ogeyn sababta loo dilay weriyaha, waxaana meydkiisa la dhigay isbitaalka Medina ee caasimadda.