Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 6
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»Madaxweyne Farmaajo oo la hadlay “Xoogagga Waddaniyiinta” cusub ee loo sameeyay G/Banaadir [Sawirro+Daawo]

    Madaxweyne Farmaajo oo la hadlay “Xoogagga Waddaniyiinta” cusub ee loo sameeyay G/Banaadir [Sawirro+Daawo]

    July 26, 2018Updated:July 26, 20182 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad u jeediyey kumannaan mutadawiciin ah oo hormuud u ah “Xoogagga Waddaniyiinta” ee laga hirgeliyey Gobolka Banaadir ayaa bogaadiyey sida shacabka Soomaaliyeed ay ugu heellan yihiin in ay ka qeyb qaataan difaaca iyo dib u dhiska dalka.

    Madaxweynaha ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta dhaqdhaqaaqa ku saleysan isxilqaannimada iyo wax-wada-dhiska. “Barnaamijkan is-xilqaanka oo aan dooneyno dalka oo dhan iyo qurbajoogta Soomaaliyeedba in aan gaarsiinno idinka ayaa aasaas u ah. Marka naloo eego si shakhsi shakhsi ah adduunka waa ka tilmaaman nahay, meel kasta oo aan joognana horumar la taaban karo ayaan ka gaarnaa, waxaa kaliya oo inaga dhiman waa in aan dadaalladeenna mideyno oo innagoo isku duuban oo wadajir ah aan wax wada qabsanno. Taas weeye ujeedka barnaamijkan.” ayuu yiri madaxweynaha oo la hadalyey mutadawiciintaasi.

    Madaxweynaha ayaa ku baraarujiyey dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed qof kasta oo ka mid ah in uu shaqo mutadawacnimo ah u qabto dalka toddobaad kasta labo saac iyo bar ka mid ah wakhtigiisa, arrinkaas oo fure u noqonaya sidii aan uga soo kaban lahayn burburkii ku habsaday dalka.

    “In aan si dhab ah u wada shaqeyno ayaan caalamka kula tartami karnaa laakiin si shaqsi ah caalamka kulama tartami karno, shaqsi ma ahan wax horumar lagu gaaro oo dal dhisa qabiilna ma ahan waan soo tijaabinay ee labo sano aan qabsanno oo aan u shaqeyno si wadareed iyo isku duubni.”

    Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku ammaanay dhammaan xoogagga is-xilqaamayaasha Soomaaliyeed ee sida waddaniyadda leh ugu istaagay dalkooda tan iyo xilligii burburkii dowladdii dhexe, kuwaas oo gacan ka geystay hawlaha nabadeynta, bilic soocelinta, waxbarashada, ganacsiga, caafimaadka iyo guud ahaan dadaallada samatabixinta dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

    Munaasabaddan oo ka dhacday Dugsiga Tababarka Ciidanka Booliska ee Jeneraal Kaahiye ayaa waxaa ka qeyb galay Taliyeha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Cabdiweli Jaamac Gorod, Taliyeha Ciidanka Booliska Sarreeye Gaas Bashiir Cabdi Maxamed, Kusimaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Kuxigeenkiisa Arrimaha Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Xuseen Maxamed Nuur, Saraakiil ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida, Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir iyo qaar ka mid ah hoggaanka Ururrada Haweenka iyo Dhallinyarada.

    Image may contain: 4 people, people smiling, people standing, shoes, tree and outdoor

    Image may contain: 1 person, smiling, standing

    Image may contain: 5 people, people smiling, crowd and hat

    Image may contain: 4 people, people smiling, people standing, crowd, wedding, tree and outdoor

    Image may contain: one or more people and people standing

    Image may contain: 10 people, people smiling, wedding

    Amniga Farmaajo G/Banaadir Muqdisho Top Xoogagga Wadaniyiinta
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleAskari ka tirsan Ciidamada dowladda oo toogasho ku dilay Weriye ka howlgala Muqdisho (Sawirro)
    Next Article AKHRISO: Go’aanadii kasoo baxay Golaha Wasiirada [Booliska oo lagu wareejiyay Amniga & Safiiro la magacaabay]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo