Wararka laga helayo magaalada Jowhar ayaa sheegaya in askari ka tirsan Ciidamada Booliska gaarka ah ee Haramcad uu halkaasi ku dilay qof shacab ah.
Askariga dilka geystay ayaa la sheegay inuu rasaas ku furay qof shacab ah oo muran dhex maray, kaasoo goobta ku dhintay, mid kalena uu dhaawacay, kadib markii uu Gurigooda xaafadda Buulo-makiino ugu tegay; waxaana falkaasi ka dhashay inay dadweyne ka careysay dilkaasi ay bannaanbax ka dhigaan caasimadda Hirshabeelle.
Ilaa hadda waxaa qeybo kamid ah magaalada Jowhar ka socdo dibadbax looga soo horjeedo dilkaas iyo askarta Haramcad ee jooga magaalada Jowhar, iyadoo dadku dalbanayaan in caddaalada la horgeeyo askariga.
