Askari Somali-Mareykan ah ayaa sababay inay is casisho taliyihii Booliska Minneapolis, kadib kiis dil ah oo uu ku lug yeeshay askariga oo xiisad weyn dhaliyay.
Taliyaha ciidanka booliska magaalada Minneapolis Janee Harteau ayaa la sheega inyu cadaadis uga yimid duqa magaalada dartiis ay isu casishay, kadib markii kiiska dilka ah ee uu kacay Maxamed Nuur oo ah Soomaali ka tirsan booliska Minneapolis, isagoo dilay u geystay haweenay caddaan ah, una dhaltay dalka Ausralia.
Dilka haweenaydan ayaa xiisad badan ka dhex-abuurtay booliska Minneapolis iyo bulshada magaalada. Waxaan dilkaas canbaareysay oo faahfaahin dalbaday dowladda Australia.
Duqa magaalada Minneapolis Betsy Hodges ayaa sheegtay in taliyaha boolisku ay lumisay kalsoonidii dadka Minneapolis oo aanay hoggaamin karin booliska, sidaas darteed-na ay tahay inay xilka ka dagto.
Duqa Minneapolis Betsy Hodges ayaa taliyaha booliska u magacowday Medaria Arrandonda oo hore u ahaa taliye kuxigeenka.