Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 28
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Astaan la’aanta Asteysan (W/Q: Yusuf Garad)

    Astaan la’aanta Asteysan (W/Q: Yusuf Garad)

    November 28, 20153 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Xarumaha Dowladda, Hoteellada iyo waddooyinka Muqdisho waxaan ku arkaa baabuur aan summad lahayn oo u badan baabuurta afarta shaag uu mid waliba iskiis u dhaqaaqo 4×4.

    Baabuurta noocaas ah waxaa la iigu macneeyay in qaar badan ay Dowladdu leedahay, siiba hey’adaha amniga iyo madaxda. Waxay doonayaan in aan la garan oo aan la bartilmaameedsan iyo in aan laga feejignaan. Baabuurtaas qaarkood waa dulbannaan. waxanaa fuushan ciidan dhar askareed lebbisan oo sita qoryo muuqda.

    Arrintaasi waxay igu dhalisay su’aalo iyo feker badan. Waxaan is weydiiyay arrintani ujeeddadii laga lahaa ma fulineysaa oo hadda ma qarsoon yihiin baabuurtaasi? Maxay arrintani u dhimi kartaa kalsoonida shacabka? Mise jirtaa si sidaan ka habboon oo ujeeddada loo gaari karo?

    Su’aalahaas iyo jawaabahaooda ayaan kor uga fekerayaa si aad u akhrisato, u deristo, u rogrogto, talana aad ugu darsato.

    Waa marka horee baabuur summad la’aan magaalada dhex mari kara waa la garan karaa in ay Dowladdu leedahay.

    Marka labaad, dalku isaga oo luudaya ayuu si aad u socod gaaban wuxuu uga sii baxayaa fowdo iyo Dowlad la’aan. Xilliga aan ka gudbeyno baabuurtu ma lahayn astaan maaddaama aanay jirin hey’ad bixisa iyo mid daba gal ku sameysa. Hadda in baabuur summad la’aan ah lagu arko magaalada caasimadda ah, waxay dadka ka indhasaabi kartaa horumarka gaabiska ah ee socda.

    Midda kale summad la’aantu waxay keeni kartaa wixii loogu talo galay cagsigeed. Haddii baabuurta kale oo dhan ay leeyihiin summad, midkii aan summad lahayn waxay summad la’aantu ku noqoneysaa astaan u gaar ah oo lagu garto.

    Dhibka kale ee imaan kara wuxuu yahay in haddii aan gaariga astaanta lahayn uu  galo khalad xagga dembiyada waddooyinka ah sida haddii uu qof ama gaari kale uu wax yeelo in aan la aqoon si loo daba galo. Haddii ay adeegsadaan qoryaha ay ku raran yihiinna waa mid ka sii daran.

    Waxaan is leeyahay waa la heli karaa hab kaas ka ammaan iyo asturaad badan haddii maskaxda laga shaqeysiiyo.

    Marka hore waa in hey’adaha amnigu ay dejiyaan baabuurka summad la’aan in uu socdo loo oggol yahay, sababta iyo cidda awood u leh in ay baabuur aan astaan lahayn waddada ku sii deyso.

    Shaki badan iigama jiro in ay taasi soo koobi lahayd tirada baabuurta aan summadda lahayn ee waddada saaran. Ka dibna waxaa loo baahan yahay in xal loo helo summad la’aanta.

    Waxay noqon kartaa in gaawaarida howlaha xasaasiga ah ee amni ku jira iyo kuwa kale ee hadda socda summad la’aantu ay adeegsadaan summado kala duwan oo loo beddelo si ku soo bood ah oo aan ku saleysneyn kaltan la odorosi karo. Summadahaasina waa in ay ahaadaan kuwa hey’adaha amniga keliya u diiwaan gashan.

    Arrintaasi waxay marin habaabin kartaa qofkii raba in uu asteysto baabuurta. Dhanka kalena waxay sahleysaa in haddii loo baahdo hey’adaha amniga dhexdoodu ay soo qaban karaan baabuurkii wadihiisa ama ciidanka saarani ay geystaan fal dembiyeed.

    Yuusuf_GaradMa ahan arrintani mid aan ugu talo galay in lagu xannibo askarta, saraakiisha iyo mudanayaasha amniga ka shaqeyeeya. Waa mid ay ujeeddadiisu tahay in amniga laga shaqeeyo, bulshadu ay kalsooni hesho, qofka amniga ka shaqeynayaana uu sharciga ula sinnaado bulshada inteeda kale.

    W/Q: Yusuf Garad

    Yusuf Garad
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleBaarlamaanka oo sharci ka soo saaraya Derbiga Kenya ka dhiseyso xuduud beenaadka labada dal
    Next Article DEGDEG: Dagaal ka socda Gaalkacyo & ciidamada Galmudug oo galay xaafadaha Waqooyi

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo