Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 13
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Baarlamaanka»Awood Sharci ma u leeyahay C/weli Muudey inuu shaqada ka joojiyo Xoghayaha Guud ee Baarlamaanka [Akhriso]

    Awood Sharci ma u leeyahay C/weli Muudey inuu shaqada ka joojiyo Xoghayaha Guud ee Baarlamaanka [Akhriso]

    April 2, 20182 Mins Read Baarlamaanka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Guddoomiye ku xigeenka Golaha Shacabka C/weli Ibraahim Muudey ayaa maanta shaqadii ka joojiyey xoghayihii guud ee Baarlamaanka Soomaaliya C/kariin Xaaji Cabdi Buux, isagoo ku xigeenkiisa  u magacaabay inuu si KMG ah  xilka usii hayo. [Akhriso Warkan]

    Haddaba waxaan halkan ku eegeynaa inay sharci tahay xil ka joojinta uu ku dhawaaqay C/weli Muudey oo horena isugu magacaabay sii-haye guddoomiye, iyadoo uu joogo guddoomiyihii Golaha oo aan la guda gelin mooshinka muranka dhaliyey ee laga keenay.

    Qodobk 82-aad ee Xeer hoosaadka Golaha Shacabka, faqradiisa 5-aad ayaa qeexaya qaabka loo magacaabo xoghayaha Guud iyo awoodihiisa, iyadoo marka qodobkaasi la eego ay soo baxeyso in tallaabada uu qaaday C/weli Muudey ay sharci darro tahay.

    HOOS KA AKHRISO QODOBKA OO 82AAD EE XEER HOOSAADKA GOLAHA SHACABKA


    Qodobka 82-aad: Maamulka Golaha Shacabka

    1. Shaqaalaha Golaha Shacabka waxay ka mid yihin shaqaalaha dowlada islamarkaasina yihin xubin muhim ka ah shaqaalaha rayidka ee dowladda. Toos waxaa u shaqaleysta Golaha hadba sida baahidiisa, iyo shurudaha loogu tala galay sida uu cadeeyo Gudiga Arrimaha Golaha.

    2. Xilalka iyo isku dubbaridka shaqaalaha Golaha waxaa lagu hagaya xeer maamuleed oo gooni ah sida uu u soo jeediyo Guddiga Arrimaha Golaha uuna u ansixiyo Golaha Shacabka.

    3. Shaqalaha Golaha waxaa ay hoos imanayaan Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka kaasoo kormeeraya, qiimaynaya shaqaadooda, amarkiisana ay ku shaqeynayaan. Xoghayaha ay ka mid tahay howshiisha arimaha ku saabsan maqaamkooda iyo marxaladooda shaqo. Qiimaynta shaqada, dalacsiinta, tilaabooyinka anshaxa iyo kala wareejinta shaqalahawaa in ay waafaqsanaadaan xeer maamuleedka Golaha.

    5. Ilaa inta laga sameynayo Guddiga Adeega Golaha, Xoghayaha Guud ee golaha waxaa magacaabistiisa soo jeedinayaa Guddoomiyaha Golaha isagoo la tashaday Ku-Xigeenadiisa, waxaana ansixinaaya Guddiga Joogtada.

    6. Xoghayaha Guud ayaa ah masuulka ugu sareeya ee u xilsaaran maamulida arrimaha Golaha, islamarkaasna u xil saran arimaha la xiriira heykalka maamul, farsamo iyo dhaqaale isago ka amar qaadanaya Gudoomiyaha Golaha islamarkaasna waafajinaya xeer mamuleedka uu ansixiyay Golaha Shacabka.


    Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka C/weli Muudey oo lagu eedeyay inuu la safan yahay xukuumadda iyo xildhibaannada mooshinka wada ayaa wada tallaabo uu kula wareego keligiisna isu caleemo saarayo guddoonkii Baarlamaanka Federaalka, taasoo sii kordhineysa xiisadii Baarlamaanka.

    Baarlamaanka C/kariin Buux C/weli Muudey Mooshinka Jawaari Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleRa’iisal wasaaraha cusub ee Itoobiya oo xilka loo dhaariyey & khudbad nabadeed oo uu jeediyay
    Next Article Madaxweyne Farmaajo oo Telefoon kula hadlay Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Itoobiya Abiy Ahmed & Arrimihii uu kala hadlay

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo