Madaxweynaha maamulka Jubba Axmed Maxamed Islam (Axmed Madoobe) ayaa uga digay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo beesha caalamka inay maamulkiisa ugu yeeraan Kumeelgaar, isagoo ku hanjabay inaysan ka jawaabi doonin qoraalada loo soo diro iyo casuumadaha lagu soo qoro maamulka KMG ah ee Jubba ( Interim Jubba Adminstration), isla markaana aanay waxba ku darsan doonin labadaasi dhinac oo ay ku jirto inay qaadaan shirarka oo dhan.
Axmed Madoobe ayaa ku dooday in Maamulkiisa uu fuliyay heshiiskii Adis ababa, wuxuuna xusuusiyay dowladda Federaalka inay dhibaato badan isla soo mareen oo dhiig dhex maray, wuxuuna si cad u sheegay inay ka baxeen kumeelgaar.
Maamulka Axmed Madoobe ayaa la ogyahay inuusan weli lahayn xukuumad muddo ku dhow lix bilood, taasoo ah taariikh cusub oo aan hore loogu arag maamulada dalka, waxaana weli la fulin qodobo badan oo ka mida heshiiskii Addis oo ay ka mid yihiin: in Maleeshiyada Axmed Madoobe ka qarameeyo in maamulkiisu wareejiyo dekadda Kismaayo.
Wadani.com