Madaxweynaha Maamulka Gobeleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa shaaciyay in kooxda Alshabaab ay caruur ka badan 160 si qasab ah uga kaxeysteen gobollada Jubba, oo xareysteen isla markaana siiyaan tababar, kadibna ay doonayaan inay dagaal geliyaan.
Axmed Madoobe ayaa tilmaamay in ka badan 165 caruura oo qasab looga kaxeysatay Jubbooyinka ay dagaalada ka qeyb geliyeen, haddana sii wadaan caruur aan garaneyn jihaad iyo macnihiisa inay dagaal geliyaan.
“Deegaanada Jubbooyinka tuulooyin badan hadda waxaa aruursan 165 Caruur ah oo kan ugu weyn uu yahay 14 jir oo hadda tababar la siinaayo oo la leeyahay kaalaya Shahaado ayaad qaadanaysaan, ma garanayaan Shahiidka waxa uu yahay xitaa”. Ayuu yiri madaxweyne Axmed Madoobe.
Hadalka Axmed Madoobe ayaa ku soo beegmay iyadoo maxaabiis fara badan oo caruur ah lagu qabtay Puntland iyo Galmudug dagaaladii dhex marayy Al-shabaab.
Wadani.com