Baarlamaanka maamulka Jubba ayaa shir degdeg oo loogu yeeray maanta ku leh magaalada Kismaayo, kadib markii Madaxweyne Axmed Madoobe ka dalbaday muddo kordhin kale oo loo siiyo si uu u soo dhiso xukuumadda maamulkiisa oo muddo 8 bilood ah laga sugayay.
Axmed Madoobe ayaa doonaya 40 maalmood oo hor leh in loo kordhiyo iyadoo muddo afar jeer ah hore muddo kordhin loo asmeeyay oo waqtiyo kala duwan uu qabsaday, taasoo muujineysa xaalada maamulada dalka ka dhismay ku jiraan oo ah inay ku shaqeeyaan rabitaanka qofka u sareeya.
Axmed Madoobe ayaa laga sugayay inuu muddo 21 casho ah ku soo dhiso xukuumada maamulka Jubba, kadib markii la doortay 15 kii Ogost 2015, waxayna hadda mareysaa muddo 8 Bilood ah marba wax laga bedelayay dastuurka Jubbaland.
Baarlamaanka Jubba ayaa fadhigiisa maanta la filayaa sida caadada u ahayd inuu aqbalo codsiga Axmed Madoobe, waxayna arrintan ka dambeysay heshiiskii dhowaan dhex maray siyaasiyiinta Beesha Mareexaan iyo Axmed Madoobe oo ahayd caqabad weyn oo u xayiran dhismaha xukuumadda Jubba.
Dhowaan ayuu Baarlamaanka Jubba wax ka bedel ku sameeyay qodobo kale oo ku saabsan in la furo tirada golaha wasiirada iyo in madaxweyne ku xigeenada ay noqdaan laba madaxweyne ku xigeen.
Wadani.com