Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) oo maanta gaaray magaalada Garowe, isagoo ka qeyb galaya caleemo saarka madaxweyaha cusub ee Puntland ayaa ciidamo gaara la tegay magaaladaasi.
Ciidamada ilaalada Axmed Madoobe ayaa si weyn u qalabeysan, waxayna sitaan dareys u gaara oo calanka Jubbaland ku xardhan yahay, waxaana loo diyaariyay gaari Landcruiser (Cabdi Bille) ag oo qori saaran yahay, waxaana Garowe geystay diyaaradii magaalada Kismaayo kasoo qaaday wafdiga madaxweynaha Jubbaland.
Madaxda Maamul Goboleedyada ayaa qaarkood wata ilaalo u gaara oo mararka qaarkood loo kireeyo diyaarad, xilliyada ay booqanayaan gudaha dalka iyo maamullada kale, waxaana arrintaasi ku caan baxay madaxweynihii hore ee Puntland C/weli Gaas oo ilaalo u gaaray la tegi jiray magaalada Muqdisho.
Dhinaca kale waxaa magaalada Garowe saaka gaaray ciidamada ilaalada gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya, kuwaasoo diyaarado ka qaadeen magaalada Muqdisho.
SAWIRRADA