Madaxweynaha Maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa si degdeg ugu yeeray xildhibaanada lagu doortay magaalada Kismaayo.
Axmed Madoobe ayaa farriintiis waxaa xildhibaanadaasi oo ku sugan Muqdisho gaarsiiyay madaxweyne ku xigeenkii hore ee Jubba C/llaahi Fartaag oo hadda ah xildhibaan ka tirsan Aqalka Sare.
Wararka laga helayo xildhibaanadan oo Magaalada Muqdisho ku sugan ayaa sheegaya inay qaarkood ka caga jiidayaan tegista Kismaayo, halka xildhibaanada intooda badan ay ku sii jeedaan magaaladaasi.
Ujeedka Axmed Madoobe ugu yeeray xildhibaanadan ayaa la sheegay inay tahay sidii uu ugala hadli lahaa cidda loo dooranayo guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka, isagoo kulamo la qaadan doono xildhibaanadaasi.
Baarlamaanka ayaa hadda u muuqda mid u qeybsanaan doona maamul goboleedyo iyo goobtii lagu soo doortay, taasoo muuqaal cusub gelin doonta baarlamaanka 10-aad hadda shaqo bilaabay.
Wadani.com