Hogaamiyaha maamulka kumeelgaarka ah ee Jubba Axmed Maxamed Islaan (Madoobe) ayaa maanta isku shaandheyn ku sameeyey saddex ka mida xubnaha golaha wasiirada Jubba iyadoo muddo kooban ka harsan tahay xilliga waqtigiisa.
Axmed Madoobe ayaa isku bedelay wasiirada Maaliyadda, Warfaafinta iyo Macdanta iyo Biyaha
Wasiirkii Maaliya Maxamed Aw Yuusuf oo loo bedelay Wasaarada Macdanta iyo biyaha Jubba.
Wasiirkii wasaarada Macdanta iyo Biyaha Jubba C/Nuur Cali Aadan ayaa sidoo kale loo wareejiye wasaarada Warfaafinta iyo Gaadiidka Jubba.
Halka Ibraahim Baajuun oo ahaa wasiirka wasaarada Warfaafinta iyo Gaadiidka waxaa laga dhigay Wasiirka Maaliyadda Jubba. kala bedelka wasiirada saddexda ah ayuu Axmed Madoobe ku micneeyay inay tahay sii kordhinta iyo adkeynta shaqada wasaaradahaasi.
Wadani.com
[ad name=”HTML-1″]
[ad name=”HTML-6″]