Madaxweynaha Jubbaland ee dib u doorashadiisa aysan aqoonsan dowladda Federaalka Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa maanta martiqaad ugu sameeyay madaxda iyo siyaasiyiintii ka qeyb gashay caleema saarkiisa.
Martiqaadka oo ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynayaashi hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahiDeni, Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Aqalka Sare Abshir Bukhaari iyo siyaasiyiinta kale ee Kismaayo ku sugan.
Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in shir la fileyay inuu ka dhaco magaalada Kismaayo oo laga soo saari lahaa war-murtiyeed ku saabsan xaaladda dalka uu u baaqday markii la isku afgaran waayey arrimaha looga hadlayo iyo qaabka meteladaadda.

