Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»FAAQIDAAD: Shanta Su’aalood ee ugu muhiimsanaa Qarixii Zoobe & Xaqiiqooyinkii laga ogaaday. [Akhriso]

    FAAQIDAAD: Shanta Su’aalood ee ugu muhiimsanaa Qarixii Zoobe & Xaqiiqooyinkii laga ogaaday. [Akhriso]

    October 14, 2019Updated:October 15, 20196 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Qarixii weynaa ee dadka badan lagu laayey, kaasoo casirkii Sabtidii ee 14-ka Oktoobar 2017 ka dhacay Isgoyska KM 5 ee magaalada Muqdisho, wuxuu sababay dhimashada dad ku dhow 600 qof iyo dhaawaca ku dhow 200 oo kale.

    Inkastoo muddo laba sano ah kasoo wareegtay qaraxaasi, haddana waxaan jawaab loo helin arrimo badan oo ku wareegsan Qaraxa, kuwaasoo ay ugu muhiimsan yihiin Shanta su’aalood ee soo socota, waxaase la isku waafaqsan yahay inuu ahaa kii ugu weynaa ee abid ka dhaca Soomaaliya ayna ku dhintaan dad intaas la eg iyo mida ka mida qaraxyada argagixiso ee ugu qasaaraha badnaa dunida oo dhan.

    Shanta su’aal ee xasaasiga ah iyo jawaabahooda hoos ka akhriso:

    1- Halkee Bar-tilmaameedku ahaa..?

    Goobta ay wax ka dhaceen ee KM 5 kuma oolin Xarun Xero Ciidan ama saldhig milateri, waxaase aad ugu dhowaa xarunta Wasaaradda Arrimaha dibada oo dad badan aaminsan yihiin inuu bar-tilmaameedku ahaa, taasoo dad ku jiray dhaawacyo soo gareen.

    Matt Bryden oo ah Khabiir ka faalooda Arrimaha Amniga Geeska Afrika ayaa yiri “Lama Hubo in KM5 uu ahaa Bartilmaameed loo qorsheeyay Weerarkan”.

    Ilo dhinac ammaanka Gobolka ah oo codsaday inaan la magacaaabin ayaa rumaysan in Gaariga uu ka khaldamay Bartilmaameedkiisa. Iyadoo aragti kale ay sheegeyso in Gaariga weyn  loogu talogalay qaraxa hore inuu fuliyo kan laabad ee la fashiliyayna uu qaraxa kadib qarax kale geysto.

    Waxaa jira war sheegaya in goobta qaraxa ka dhacay ay taagneyd xilligaasi Booyad shidaal, taasoo keentay in qaraxa uu weynaado. inkastoo aan goobta laga helin burbur booyad, haddana waxaa xaqiiqo ah in goobta lagu iibin jiray shidaal, marka lagu daro gawaarida faraha badan ee wadadda isticmaaleysay waxay xaaladda ka dhaceen in qarixii uu noqdo mid faraha ja baxa, Hadiise booyada shidaalka jirto waxay ahayd wax nasiib darro isku soo beegmay oo qadar iska ahayd.

    2- Maxaa  Qaraxa loo adeegsaday..?

    Waxaa Bamka loo adeegsaday Qaraxii Soope lagu qiyaasay 500 -2000 kgr (laba tan), kaasoo la mida Bamkii loo adeegsaday qarixii Safaaradda Maraykanka ee Nairobi 1998-dii, oo lagu dilay 213 Qof.

    Khabiirada waxyaabaha qaraxa aqoonta u leh ayaa sheegay in qaraxyaddii hore ee Muqdisho loo adeegan jiray Bam culeys 800 ilaa 1000 Kg, Qasaarahooduna ka yaraa Qarxii Soobe ee 14-ka Oktoobar 2017, kaasoo guryo aad uga fog goobta qaraxa sababay inay dariirashadihii ka daataan.

    Xogta laga ururiyay goobta qaraxa ka dhacay ayaa sheegeysa in Qaraxa uu ka koobnaa mid gacan ku sameys ah iyo waxyaabaha qarxa ee qalabka milateri, iyadoo Alshabaab aysan sameyn karin qarax sidaas u weyn iyadoo aan u adeegsan qarxiyeyaasha ay sameeyaan.

    3- Maxay Alshabab u sheegan weyday Qaraxa..?

    Waxaa inta badan la isku raacsan yahay in Alshabaab ay ka dambeeyaan qaraxan ayna soo ku soo abaabuleen gobolka Shabeelada Hoose oo ah goobta lagu diyaariyo qaraxyada iyo is-miidaamiyeyaasha, waana kooxda kaliya oo khibrada iyo dad fuliya u heysata qaraxyadan oo kale.

    Waxaa kaloo xusid mudan in Alshabaab ay qaraxyo hore oo dad shacab u badan galaaftay ay ka aamuseen, waxaana tusaale kuugu filan qaraxii Hargaha iyo Saamaha oo arday badan lagu laayey, waxayna taasi caddeyn u tahay in markii qasaaraah shacabku si weyn u bato ay Alshabaab ka xishoodaan inay sheegtaan falalkooda.

    Khabiiro Soomaali iyo ajnabi ah ayaa isku raacsan in Alshabaab ay tahay tan soo maleegtay qaraxan, iyadoo aanay wax kasoo qaad lahayn wararka ku eedeynaya qaraxa dalal iyo dhinacyo kale.

    4- Maxay Hay’adaha Ammaanka uga hortegi waayeen..?

    Qaraxan wuxuu dib u dhac ku yahay ciidamada ammaanka Soomaaliya, oo ku fashilmay inay ogaadaan, ama hor istaagaan qaraxan inuu ka dhaco meelaha ugu waaweyn ee furaha u ah caasimadda.

    Alshabaab ayaa hore looga bartay inay dhex galaan ciidamada, kana gudbaan goobaha koontaroolada ah, iyagoo  fulinaya weeraro noocan oo kale ah iyagoo dareyska ciidamada dowladda. Bam heerkiisu aad u weyn yahay oo la mida kii lagu qarxiyay km5 wuxuu u baahan yahay waqti, waana shaqo adag oo aan sahlaneyn.

    Inkastoo ciidamada ammaanka ay isku dayeen inay celiyeen Gaariga ayaa haddana uu ka baxsaday bartii lagu celiyay ee isgoyska Banaadir, wuxuuna isagoo xawaare ku socda jiiray gawaari iyo Mootiyin fara badan intii aanu ku qarxin jidka u dhaxeeya xarunta bisha Cas ee Muqdisho iyo Hotelka Safari.

    Waxaa muuqata inaan la baarin gaariga markii laga soo daayay koontaroolka Siinka dheer, halkaasoo uu damiintay Shaqsi Muqdisho degan oo la sheegay inuu u shaqeeyo mid ka mida shirkadaha waaweyn ee ganacsiga, waxaa kaloo qaraxan loo xukumay 4 qof oo midkood loo toogtay sanadguuradiisii koowaad, iyadoo aysan dowladda warbixin cad oo qaraxan ku saabsan la wadaagin shacabka.

    Qaraxaasi kadib, waxaa dhacay qaraxyo fara badan oo is daba joog ah, waxaana weli dhici kara qarax la mida midkii Soobe, iyadoo dib u habeyntii loo baahnaa aysan helin ciidamada amniga. waxaana si weyn u liidata hay’adihii Sirdoonka Soomaaliya oo muddooyinkii danbe warkeedu gaabtay.

    5- Qaraxa maxaa xiga..?

    Jawaabtii ugu horeysay ee qaraxa aan hore loo arag waxay noqotay “caro” Soomaalida ayaa si weyn uga carootay, wuxuuna dhaliyay banaanbaxyo looga soo horjeedo Alshabaab ay ka dhacaan caasimdda Muqdisho iyo gobollada kale ee Soomaaliya.

    Jawaabtii labaad ayaa noqotay midnimo Soomaalida oo dhan iyo dadka caalamka ay u midoobeen gargaarka dadka ku waxyeeloobay qaraxa, waxaa lagu baaqay isu soo baxyo lagu diidan yahay Alshabaab, laakiin waxaa laga digayaa in midnimadaasi laga faa’iideysan waayo ayna keeno in murugada iyo carada ka dhalatay qaraxan lagula jeesto dowladda Federaalka iyo waxqabad la’aanteeda dhinaca ammaanka.

    Ka sokow midnimada iyo Soomaalinimada ka dhalatay falka Alshabaab ku laayeen boqolaalka qof, ma jirin istiraatiijiyad iyo qorshe ay sameysay dowladda Federaalka, lamana maqal wax tallaabooyin dhinaca ammaanka iyo ciidamada lagu hormarinayo.

    Inkastoo Alshabaab hogaamiyeyaal badan duqeyn looga dilay oo uu ugu danbeeyay madaxii u qaabilsanaa Gobolka Banaadir, waxayna haddana sii wadaan inaysan u dhutin oo ay sii xoojiyaan ololaha ay uga horjeedaan dowladda Soomaaliya.

    Dowladda uu hoggaamiyo madaxweynaha Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ku guuldarreytay inay ka faa’iideysato midnimadii ka dhalatay qaraxii Soobe oo keentay in dadweynaha iyo dhalinyaradda Soomaaliyeed ay isu qoraan ciidamo si ay ula dagaalamaan Alshabaab, laakiin 2 sano kadib xitaa ciidamadii lagu aasaasay magaca 14-ka Oktoobar ayeysan muuqan wax horumar weyn ah oo dagaalka Alshabaab laga gaaray.

    Warbixintan asalkeeda waxaa qortay Wakaalada Wararka ee AFP, waxaase dib u habeeyay oo wax badan ku daray kooxda Wadani.net
    Muqdisho Qaraxii Soope Qarixii Soope Top Zoobe
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleGawaari lagu xardhay Sawirrada Madaxweynaha & Ra’iisal Wasaaraha oo ka qeyb galay Xuskii 14-ka Oktoobar
    Next Article Axmed Madoobe oo martiqaad u sameeyay Madaxda & siyaasiyiintii ka qeyb gashay Caleemo-saarkiisa [Sawirro]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo