Wararkii ugu danbeeyay ee laga helayo shirka Muqdisho uga socda madaxda dowladda federaalka iyo maamulada dalka ka jira ayaa sheegaya in madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo wafdiga la socday ay shirka ka baxeen iyadoo la sheegay inay ku biireen maamulka Puntland oo hore shirka uga baxday Saaka.
Axmed Madoobe ka bixitaanka shirka wax sabab ah u yeelin, waxaase la sheegay inuu ku taageerayo Puntland oo isbaheysi kala dhaxeeyo. Waxaana horeba ay labada maamul u wadaagayeen siyaasad qabyaaladeysan oo federaal lagu saleeyay.
Shirkii wadatashiga siyaasaddda dalka ee madaxda dowladda Federaalka iyo hogaamiyeyaasha dowlad goboleedyada dalka ka jira ayaa lagu waday inuu galabta dibu furmo kadib markii kulankii maanta uu hareeyay wafdiga Puntland oo ka baxay shirka.
Guddoomiyaha maamulka Koofur Galbeed ayaa ku adkeysanaya in shirku sii socda inta ku sugan ay go’aan gaaraan, iyadoo aan loo hakan karin sida uu ku dooday caqabadaha Puntland ee aan dhamaaneynin.
Xubnaha Beesha caalamka iyo wasiirada dowladda federaalka ee ka soo jeeda Puntland ayaa dadaal ugu jira in shirka lagu soo celiyo wafdiga Puntland iyadoo arrimaha ay tabaneyso loo xil saarayo guddi gaar ah.
Shirka wadatashiga oo lagu waday in maanta la soo gabagabeeyo ayaa laga cabsi qabaa inuu dib u dhac ku yimaado, waxaana la guda gelin ajendayaashii muhiimka ah ee lagu waday in shirka looga doodo, lagana gaaro go’aano ku saabsan qaabka doorashada loo galayo 2016.
Wadani.com
[ad name=”HTML-7″]