Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in ciidamada Maamulka Axmed Madoobe oo ay la socdaan kuwa dalka Kenya ee AMISOM ka tirsan ay weerar ku qaadeen xero ay ku jireen ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo markii hore ahaa kuwii ku sugnaa keenay duleedka Kismaayo ee taabacsanaa Barre Hiiraale.
Ciidamadan ayaa qeyb ka ahaa qorshaha isku dhafka ciidamada ee dowladda Federaalka Soomaaliya ka waday Kismaayo, waxaana dhowaanm xeradaasi booqday wasiiru dowlaha Gaashaandhigga dowladda Federaalka iyo wasiirka Gaashaandhigga.
C/rashiid Macalin Gaas oo ka mida saraakiisha ciidamada xeradaas ku jiray ayaa sheegay inay weerar ku soo qaadeen maleeshiyada Axmed Madoobe iyo ciidamada Kenya ayna xerada kala baxeen saddex askari oo ay ka cabsi qabaan in la dilo, ciidamo kale oo gaaraya 12 askarina ay jirdil ku sameeyeen oo ay dhaawaceen.
Sarkaalkan wuxuu sheegay inay halis ku jiraan oo xerada ku wareegsan yihiin ciidamada Kenya iyo maleeshiyada Axmed Madoobe, isagoo caddeeyay inay ka cabsi qabaan in la laayo, wuxuuna ku eedeeyay Axmed Madoobe inuu doonayo inuu burburiyo qorshaha dowladda ee isku dhafka ciidamada arrintanina ay ku lug leedahay khilaafka ka dhaxeeya dowladda iyo maamulka Jubba.
Wadani.com
[ad name=”HTML-1″]
[ad name=”HTML-6″]