Iyadoo maamulka Puntland uu shaaciyey in maanta uu magaalada Garowe ka furmayo shirka madaxda dowlad Goboleedyada ayaa waxaa halkaasi siyaabo kala duwan u gaaray madaxda maamul Goboleedyada.
Madaxweynayaasha maamullada Jubaland iyo Koonfur Galbeed ayaa gaaray magaalada Garoowe, iyagoo hal diyaarad wada saaran, waxaana labada madaxweyne ee Shariif Xassan iyo Axmed Madoobe ay iska soo raaceen magaalada Baydhabo, markii diyaaradii siday Axmed Madoobe ay ku hakatay Garoonka Diyaaradaha Garoowe.
Labada madaxweyne markii ay gaareen Garoonka Garowe waxaa halkaasi kusoo dhoweeyay madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas.
Dhinaca kale madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo ku sugnaa magaalada Gaalkacyo ayaa safar dhulka ah uga socdaalay magaalada Garowe, waxaana sii maray degmada Buurtinle ee gobolka Nugaal, isagoo hal isagoo goor dhow gaaray magaalada Garoowe.
Shirka golaha iskaashiga dowlad goboleedyada oo ay ka maqan tahay Hirshabelle ayaa lagu wadaa in uu galabta ka furmo magaalada Garoowe, iyadoo wararku sheegayaan in Golaha laga saaray madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo ahaa guddoomiye ku xigeenka Golaha Iskaashiga maamul Goboleedyada.