Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay isbedel lagu sameeyay Miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2015-ka, oo lagu yareeyay kharashaadka dowladda laguna dhimau mushaaraadka shaqaalaha dowladda iyo saraakiisha.
Fadhigii maanta ee mudanayaasha Baarlamanka ku yeesheen xaruntooda golaha shacabka ayaa lagu ansixiyay isbedelka miisaaniyadda 2015-ka oo ay soo jeediysay wasaaradda Maaliyadda kadib markii uu dib u dhac ku yimid miisaniyadii 2015-ka oo ay horay u meel mariyeen golaha shacabka.
Wasiirka maaliyadda Mudane Maxamed Adan Ibraahim (Fargeeti) ayaa sheegay in dib u eegista miisaniyadda lagu sameeyay inta badan talooyinkii ay soo jeediyen xildhibaanadda barlaamaanku markii la horkeenay bishii hore.
Guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sh.Cismaan Jawaari ayaa kula dardaarmay guddiga Arrimaha bulshadda Barlamaanka Soomaaliya in ay baaritaano ku soo sameeyaan tiradda macalimiinta wax ka dhigta dugsiyada dowladda sida ay codsatay ayuu yiri wasaaradda Maaliyadda.
Wadani.com
[ad name=”HTML-1″]