Guddiga joogtada ee Golaha Shacabka ayaa kulan ay maanta yeesheen ku go’aamiyay in kiiska C/kariin Qalbi dhagax doodiis laga furo Golaha Shacabka.
Guddiga joogtada iyo guddoomka Baarlamaanka Federaalka ayaa go’aamiyeen Ajendaha looga hadli doono Kulanka Golaha Shacabka ee furmaya Sabtida lagu daro arrinta ku saabsan kiiska sarkaalka ONLF ee dowladda Soomaaliya u gacan gelisay Itoobiya.
Waxaa kaloo Guddiga go’aamiyay in xukuumada laga talo galiyo hindiso Sharciyeedyo dhowr ah oo hore loogu gudbiyay xubnaha Golaha Shacabka si loo mariyo akhrista Koowaad.
Xildhibaano badan ayaa soo jeediyay arrintan iyadoo la filayo in loo yeero Ra’iisal wasaaraha iyo wasiirada qaarkood, iyagoo xildhibaano aan yareyn ay doonayaan in madaxweynaha lasoo Gole joojiyo.