Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa maanta loogu yeeray kulan ay yeelanayaan oo ku saabsan u codeynta Hindise sharciyeed ay hore u meelmariyeen oo Aqalka Sare dib ugu soo celiyay.
Kulanka maanta ayaa ka dambeeyay kulankii baaqday Isniintii ee guddoonka Golaha ku fashilmay inuu ajende u sameeyo, waxaana ajendayaasha kulanka maanta ay kala yihiin: U codeynta Hindise sharciyeedka maamulka iyo maareynta maaliyadda dalka iyo sidoo kale u codeynta Hindise sharciyeedka shirkadaha.
Hindise Sharciyeedka Maamulka iyo Maareynta maaliyadda ayaa waxaa dib u soo celiyey xildhibaanada Aqalka Sare, markii ay kasoo bedeleen qodobo ka mida, waxaana lagu wadaa in xildhibaannada Golaha Shacabka ay ansixiyaan waxa ka bedelka ay ku sameeyeen Aqalka Sare.
Golaha Shacabka ayaa u muuqda inuu meel iska dhigay sharcigii Doorashada ee doodda badan dhaliyey oo maraya akhrinta saddexaad iyadoo beesha caalamka ay dalbatay in sharcigaasi la ansixiyo ka hor sanadka 2020-ka.