Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa goor dhoweyd ansixiyay Sharcigii Batroolka ee xukuumadda Soomaaliya ay u gudbisay.
Codeyn loo qaaday Sharciga ayaa waxaa cod gacan taag ah ku ansixiyey 150 Xildhibaan, halka 4 Xildhibaan ay diiday, mana jirin cid ka aamustay sida uu shaaciyay Guddoonka Baarlamaanka oo uu maanta uu joogay guddoomiye ku xigeenka koowaad C/weli Muudey.
Sharcigan oo Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Kheyre olole weyn ugu jirtay ina in degdeg loo ansixiyo ayaa waxaa hore u diiday maamul Goboleedyada, isagoo ka yimid Sharcigii dowladii uu hoggaaminayey C/llaahi Yuusuf ee Baarlamaankii Baydhaba uu mariyey sanadkii 2008, laakiin waxaa laga bedelay qodobo badan oo muran ka taagan yahay.
Warar xogogaal ah ayaa sheegaya in sharcigan muhiim u yahay qorshe ay wataan madaxda dowlada Federaalka oo la xiriira arrimo dhaqaale iyo heshiisyo caalami ah oo lal gelayo shirkado iyo dalal shisheeye.