Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta kulan ka mida kalfadhigooda koowaad ku yeeshay magaalada Muqdisho.
Furitaanka kulanka Baarlamaanka waxay xildhibaannada Golaha Shacabka ku amba qaadeen dhameystirka Dooda qarraarka gurmadka Abaaraha dalka oo ay maalmahan ka doodayeen Xildhibaannada Golaha Shacabka waxaana ay tallooyinka ku qotomeen in la xoojiyo gurmadka Abaaraha iyo in la sugo qaabka gurmadka loo sameeynayo ayadoo guddiyada ku shaqada leh ay Baarlamaanka la wadagayaan xogta halka ay mareyso gurmad sameynta.
Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa dhinaca kale Xildhibaannada Golaha Shacabka uga war bixiyey kulan ay Guddoonka Golaha Shacabka la qaateen Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Ra’isulwasaaraha kaasi oo ku aadanaa xoojinta Gurmadka Abaaraha Dalka.
Doodda iyo ku biirinta tallooyinka Xildhibaannada Golaha Shacabka kadib waxaa qarraarka oo ahaa kii ugu horeeyay lagu meel amriyey codeyn gacan taag aheyd waxaana natiijada ku dhawaaqay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” oo shirka Guddoominayey.
Ka sokoow meel marinta qarraarka gurmadka Abaaraha Dalka waxa ay Xildhibaannada Golaha Shacabku qaateen kulan ay si hoose ugu eegayeen xaaladda Dalka kaasi oo ay saxaafaddu dibad joog ka aheyd.