Baarlamaanka Galmudug ayaa qaaday tallaabo uu wax uga bedelayo qodobka xil ka qaadista madaxweynaha maamulkaasi oo markii hore u baahnaa tiro badan oo ah 3 meelood laba 3/2 xilka ka qaadi karaan markii loo baahdo.
Kulankii Baarlamaanka Galmudug ee maanta ayaa la isku raacay wax ka bedelka uu ku sameeyay Dastuurka uu dhigayaa in Madaxweynaha ay xilka ka qaadi karaan 50+1 oo micnaheedu yahay in cod hal dheeri ah xilka looga qaadi karo madaxweynaha Galmudug.
Kulamadii arrintan looga hadlayay oo qaarkood is af dhaaf iyo gacan ka hadal la isku sigtay ka dhaceen ayaa markii danbe baarlamaanku isku raacay, waxaana 47 xildhibaan ay u codeysay in madaxweynaha xilka looga qaadi karo cod hal dheeri ah, waxaa diiday 6 xildhibaan, waxaana ka aamustay 2 xildhibaan oo kale.
Arrintan ayaa halis ku madaxweyne C/kariin Guuleed, waxaana laga yaabaa in Mooshinkiisa degdeg loo diyaariyo sidaasina uu xilka ku waayo isagoo hadda xilka haya muddo 7 bilood ah.
Wadani.com