Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta mar kale dib u bilaabaya inuu ka doodo arrimaha Doorashada, kadib muddo arrintaasi hakad la geliyey.
Guddoonka Golaha ayaa ku dhawaaqay in maanta uu dhici doono kulanka Baarlamaankan, waxaana xildhibaannada loo diray farriino loogu sheegay in ajendaha kulanka uu yahay Akhrinta labaad ee Wax Ka-Bedelka Sharciga Xisbiyadda Siyaasadda Dalka.
Sharcigan ayaa qeyb ka ah xeerar uu dalbaday Guddiga Doorashooyinka dalka si ay u qabtaan Doorasho qof iyo cod ah, waxaana sharcigan oo hore loo ansixiyey loo soo celiyay si wax looga bedelo qodobbo dhowr ah.

Beesha caalamka ayaa cadaadis ku saartay guddoonka Baarlamaanka inay hakiyaan ka doodista arrimaha quseeya Doorashada Dalka, siiba talo soo jeedintii Guddiga Doorashada ee ay hoggaamiso Xaliimo Yarey si xal looga gaaro khilaafka ka taagan Doorashooyinka dalka.