Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Baarlamaanka»Baarlamaanka oo su’aalo adag lagu weydiiyay Wasiirka Maaliyadda & Mooshin laga diyaarinayo

    Baarlamaanka oo su’aalo adag lagu weydiiyay Wasiirka Maaliyadda & Mooshin laga diyaarinayo

    June 21, 2015Updated:June 21, 20152 Mins Read Baarlamaanka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta su’aalo adag weydiiyay wasiirka Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya Maxamed Aadan Fargeti, kadib markii Baarlamaanku ugu yeeray inuu wax ka weydiiyo arrimo ku saabsan bixin la’aanta mushaarka ciidamada iyo shaqaalaha dowladda iyo miisaaniyadda dowladda oo muran badan ka taagan yahay.

    Fargeti
    Maxamed Aadan Fargeti

    Wasiirka ayaa su’aalihii la weydiiyay waxaa ka mid ahaa:

    1. Xisaab xirka miisaaniyadii hore iyo war uu ka soo saaray hanti dhowrka guud ee qaranka oo ahayd inaan lagu dhaqmin miisaaniyadii la dhigtay.

    2. Lacag loogu talogalay xildhibaanadii baarlamaanka KMG ahayd oo khasnada dowlada ku soo xerooday, laakiin aan la siin ee arrimo kale loo adeegsaday.

    3. Sida lagu bixiyo lacag aan miisaaniyadda ka mid ahayn ee loogu wareejiyo arrimo ka baxsan.

    4. Sahayda safar ee madaxda dowladda Federaalka halka laga bixiyo haddii aysan miisaaniyadda ku jirin.

    Wasiirka ayaa inta badan ka gaabsaday su’aalihii la weydiiyay markii ay aad ugu adkaadeen, wuxuuna gebi ahaan ku fashilmay su’aashii ku saabsaneyd: HALKA AY KA BAXDAY LACAGTII LOO QOONDEEYAY XILDHIBAANADII BAARLAMAANKII KMG AHAA EE LAGA BIXIYAY KHASNADA DOWLADDA?

    Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Fargeti ayaa sheegay in lacagtaas loo adeegsaday ciidamada qalabka sida. Mar la weydiiyay cidda amarka wareejinta lacagtaas bixisay iyo cidda leh awoodda in miisaaniyad qeyb ka mida loo qaato arrimo kale? Wuxuu Wasiir Fargeti sheegay in amar lacagtaas lagu bixiyay ay lahaayeen madaxda sare ee dowladda isaguna uu ka mid yahay xukuumad ahaan iyo madax sare ahaanba, isagoo ka gaabsaday inuu si cad u sheegay cidda amarkaasi ka yimid.

    Xildhibaanada Baarlamaanka ayay ka muuqatay inay si weyn uga niyad jabeen qaabka wasiirka maaliyadda uga jawaabay su’aalahooda, waxaana shirka oo weli socda ay xildhibaanadu sheegeen inay u bedeli doonaan inau kalsoonida kala noqdaan wasiirka maaliyadda.

    Wasiirka maaliyadda waxaa su’aalaha la weydiinayay ku wehliyay guddoomiyaha Bankiga Dhexe  iyadoo su;aalo badan ay harsan yihiin isla markaana ay ugu weyn tahay xaaladda dhaqaalaha dalka iyo lacagta shilin Soomaaliga ah sida wax looga qabanayo.

    Maamulka maaliyadda dowladda Federaalka ayaa inta badan lagu sifeeyaa inaan loo marin wax sharci ah oo lacagaha u soo xerooda dowladda ay toos ugu takri falaan madaxda sare ee dowladda.

    Wadani.com

    [ad name=”HTML-1″]

    [ad name=”HTML-6″]

    Maasaaniyadda dowlada Wasiirka Maaliyadda
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleRa’iisal wasaare Cumar C/rashiid oo Kismaayo ka degay
    Next Article Nigerian President: “I was afraid Nigeria might be like Somalia”

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo