Thursday, May 15, 2025

Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid oo Kismaayo ka degay

Wararka laga helayo Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Ra’iisal Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali oo socdaal dheer ugu maqnaa dalka Mareykanka uu maanta ka degay magaalada Kismaayo inta aanu imaan magaalada Muqdisho. Ra’iisal wasaaraha ayaa shalay dib u dhac ku yimid safarkiisa arrimo dhinaca diyaaradaha ah awgood.

Cumar-Madoobe

Wafdiga Ra’iisal wasaaraha ayaa Kismaayo u tegay doona sii wadida waanwaanta dowladda Federaalka iyo maamulka Jubba oo xiriirkooda xumaaday wixii ka danbeeyay mooshinkii Baarlamaanka Federaalka sharci darro uga dhigay Golaha wakiilada kumeelgaarka ah ee Jubba.

Ad

Hogaamiyaha maamulka Jubba ayaa dhowaan sheegay in khilaafka kala dhaxeeya Baarlamaanka Soomaaliya aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin qorshaha hiigsiga cusub ee 20016.

Waxaa dhowaan Kismaayo booqday ergeyga Q/Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay oo qabanqaabo ugu jira shir madaxda maamulada dalka iyo dowladda Federalka isugu yimaadaan Muqdisho si qorshe loogu dhigo hiigsiga cusub ee 2016.

Goobjoge.com

- Advertisement -

[ad name=”HTML-1″]

[ad name=”HTML-6″]

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON