Baarlamaanka SOomaaliya ayaa hadda u codeeyay in Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid la siiyo 10 maalmood oo dheeraad ah si uu u soo dhiso xukuumad cusub kala bedelna ugu sameeyo 20-ka wasiir ee uu dhowaan soo magacaabay.
[toggles title=””] [/toggles]
Codka oo gacantaag ahaan loo qaaday ayay muuqataa in codsigisii loo yeelay Ra’iisal wasaaraha, tirinta codka waxay noqotay:
190 xildhibaan oo joogtay
139 waxay codeysay in la siiyo 10 maalmood Ra’iisal wasaraha
47 ayaa diidey
4 afar ayaa ka aamustay
Waxaa mar kale bilaaban doono shirar, wadatashi, xubno xulis iyo guluf siyaasadeed oo hor leh oo lagu doonayo in looga mid noqdo Golaha wasiirada cusub.
Waa markii labaad ee Ra’iisal wasaare CCC codsado muddo kordhin iyo Golihii wasiiro ee labaad oo uu soo magacabo, waxaana la filayaa in Golaha wasiirada saddexaad ay ka bedelnaan doonaan kuwii hore.
Goobjooge.com
Muqdisho
[ad name=”HTML-2″]
[ad name=”HTML”]