Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid CaliSharmaarke ayaa u mahad celiyay xildhibaanada Baarlamaanka kadib markii ay aqbaleen codsigiisii ahaa in muddo 10 maalmood loogu daro waqtiga, si uu usoo dhameystiro dhismaha Xukuumadda 20-ka wasiir ka kooban.
“Muddada kooban waxaan ka shaqeyn doonaa balaaarinta wadatashiga, abuuridda kalsoonida iyo baadi goobka aan ugu jiro in la helo xasilooni siyaasadeed oo dalka ka dhacda” ayuu yiri Ra’iisal Wasaare CCC oo saxaafadda la hadlay caawa kadib dood iyo buuq weyn oo ka dhashay kulankii maanta ee Baarlamaanka oo ugu dnabeyn codsigiisii ogolaaday.
Wuxuu qiray inay dowlada ka luntay afar bilood oo waxqabadkii Xukuumadda dib-u-dhac ku yimid. taasoo uu sheegay inay waxyeeleyso howlihii qaranka iyo hiigsigii 2016.
Wuxuu intaas ku daray Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, soo dhameystiti doono Xukuumadda, soona xuli doono xubno ku sifoobay wadaninimo, daacadnimo iyo karti.
Ra’iisal wasaaraha ayaa caawa bilaabay la tashiyo hor leh oo xildhibaanada baarlamaanka uu la yeelanayo, isagoo balanqaad u sameeyay qaar kamida xildhibaanada inuu ku soo dari doono xukuumadda cusub, waxayna wararkii ugu danbeeyay sheegayaan in 5 wasiir oo cusub iyo 25 wasiir ku xigeen lagu dari doono 20-ka wasiir ee magacaabay, iyadoo sidoo kale la magacaabi doono ilaa 10 wasiiru dowle taasoo ka dhigeysa in ka badan 60 xubnood golaha wasiirada cusub.
Goobjooge.com
Muqdisho
[ad name=”HTML-2″]
[ad name=”HTML”]